Justice Snapshot Somaliland

 

MUUQAAL CADDAALADDA SOMALILAND 2021

MAHADNAQ   |   HABRAAC   |   XOGTA GUNDHIGGA AH   |   MAKTABADDA

Tirakoob dhammaystiran, sax ah oo la isku halayn karo ayaa shardi u ah waxqabadka dadweynaha ee wax-ku-oolka ah. Xogtaa Istaatistikadu waxa ay siisaa dadka go’aamada dejinaya iyo bulshadaba xog muhiim ah oo ku saabsan baahida dadweynaha iyo caqabadaha gaarka ah ee soo waajahaya. Xog tayadeedu sarraysaa waxa ay soo bandhigi kartaa halka looga baahan yahay in la geliyo lacagta la hayo, waxa kale oo ay muujisaa sida loola socon karo horumarka lagu tallaabsaday loona qiimeeyo saameynta qorsheyaasha iyo siyaasadaha kala duwan. Somaliland, sida ka jirta waddamo badan oo soo koraya, weli waxa ka maqan awoodda si joogto ah loogu soo saari lahaa xogta istaatiskiada oo dhammaystiran taas oo loo baahan yahay in lagu qaabeeyo, lagu fuliyo laguna kormeero siyaasadaha iyo qorsheyaasha looga baahan yahay horumarka dalka.” (Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Waaxda Istaatistikada, Somaliland In Figures 2019).

MUUQAAL CADDAALADDA

Muuqaalka Nidaamka Caddaaladda ee Somaliland waxa ujeedadiisu tahay taageeridda hay’adaha iyo awoodda heer qaran si uu muuqaal uga bixiyo xogta nidaamka caddaalad ciqaabeedku sida uu uga shaqeeyo lixda gobol ee Somaliland sannadkii dhammaaday 31 December 2019.

Waa dedaal wadajir ay u qabteen xukuumadda, bahda caddaaladda, garsoorka, hay’adaha horumarka iyo fulinta. Waxa laga soo dheegtay habraaca hubinta oo hore loogu isticmaalay wadamada Malaysia iyo Bangladesh( eeg Habraaca). Waxa kale oo ku xusan casharadii laga bartay Muuqaalka Nidaamka Caddaaladda ee laga fuliyey Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya 2020.

Iyada oo uu jiray Xanuunkii COVID, kala diristii kooxda la tababaray ee daraasadda samaynaysay ee la shaqaynayey Transparency Solution illaa ansixintii xogta ay ansixiyeen Gudida Farsamo ee Muuqaalka Caddaaladdu waxa uu qaatay in ka yar 3 billood. Hawl-karnimadan waxa qayb weyn ka qaatay doorkii firfircoonaa ee xukuumadda, hay’adaha ay khusayso iyo wakiiladii ay u soo magacaabeen Gudida Farsamo ee Muuqaalka Caddaaladda (GFMC)- oo korka kala socday habka xog ururinta.

Hannaan kor loogu qaadayo xog ururinta laguna war-gelinayo hay’adaha siyaasadda dejiya

Muuqaalkan Caddaaladda waxa loogu tallo-galay in uu billaw u noqdo hannaan ku dhiiri-gelinaya xukuumadda iyo hay’adaha caddaaladda sidii ay u maal-gashan lahaayeen xogtooda. Xogta waxa iska leh xukuumadda iyo hay’adaha ay khusayso. Kooxda Muuqaalka Caddaaladdu waxa ay raadiyeen ogolaanshaha hay’ad kasta in ay soo ururiyaan isla markaa baahiyaan xogtooda. Dhammaan, marka laga reebo Maxkamadda Sare way ogolaadeen. Xogtan lagu soo bandhigayo halkan, waxa si rasmi ah u ansixiyey JSSC. Xogta Maxkamadda may asnixinin Maxkamadda Sare xogta ku saabsan kaabeyaasha, khayraadka & maamul-wanaaga maxkamadaha ee halkan ku xusan waxa laga soo ururiyey xogta dadweynaha u furan: 2019 may jirin maareynta dacwadaha iyo warbixintii Sannadlaha ahaa ee MS ee sannadkaas waxa la rajaynayaa waqtiga warbixintan la qorayo (April 2021). Barta Internet-ku waa mid la cusboonaysiin karo ujeedada ka danbaysaana waa in la sameeyo qaybta maareynta xogta si ay u maareeyaan xogta mustaqbalka la ururin doono. Muuqaalada sawirada ah waa mid hab casri ah isku cusboonaysinaysa si ay uga turjunto xogta cusub.

… iyada oo loo fidinayo xog la isla ogol yahay oo dhammaan qorshe lagu dejin karo

Bogga Internet-ku waxa uu ku qoran yahay Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi waxana uu u kala qaybsan yahay waaxyo.

Xaaladda Guud waxa ay ka warbixinaysaa habka adeegyada nidaamka caddaaladdu u shaqayso iyo sida ammaan-darrida iyo barakucu saameyn ugu yeeshaan adeegyadaas – iyo miisaaniyadda loo qoondeeyey.

Adeegyada Caddaaladdu waxa ay muujinayan khayraadka iyo kaabeyaasha marka loo eego adeegyada caddaaladda ee ay heli karaan dadka caadiga ahi waxayna muuqaal guud ka bixinaysaa: i) tirada kiisaska maray nidaamka caddaaladda ee 2019; iyo ii) maamul-wanaaga iyo tababarada heer qaran.

Cabbirka laga qiyaas qaadanyo waxa laga soo dheegtay dhokumentiyada siyaasadda (sida NDP II iyo qorshayaasha istaraatiijiyadda ee hay’adaha, iyo sidoo kale xogta la xidhiidha Yoolka Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay – SDG) waana la horumariyey si qiyaas laga cabbir qaato ugu noqdaan horumarka heer qaran iyo heer gobol . Waxa ay billaabmeen 2019 ( sannadkii xogta inta ugu badan la soo ururiyey) waana la cusboonaysiin karaa muddo markii laga joogaba (labo sanno ayaa la soo jeediyey halkan). ‘Yoolka’ si ku talo gal ah ayaa loogu dhaafay mid furan si dadka go’aanka qaadanayaa ay ugu sargooyaan tooda gaarka ah.

Falanqaynta Fursadaha waxa loogu tallo galay Maalgashiga Fursadaha Caddaaladda ee ay xogtu xustay iyo qorsheyaasha istaraatiijiyadda ee hay’adaha iyo mudnaanta. Fursaduhu waa kuwo la horumariyey si tixgelin loo siiyo balse dhammaan fursadaha jira lama xusin. Waxa soo jeedinta laga qaatay xogta la soo ururiyey iyo gol-daloolooyinka ay daaha ka faydeen. Fursadaha Maalgashi dhawr dhinac oo isku dhafan ayaa laga eegi karaa si ay hawlaha u fudaydiyaan (> qaybaha ku xusan bidixda ku dhufo si aad u arki kartid). Waxa loo arki karaa in ay bar-billaw noqon karaan xog siisa kuwa dejiya qorsheyaasha, barnaamijyada iyo hay’adaha go’aanka gaadha si ay barnaamij u qaabeeyaan, u dejiyaan ama ay dib-u habayn u sameeyaan. Xagga hoose haddii aad gujisid > natiijada: waxa ay ku tusaysaa faahfaahinta, tallaabooyinka mudnaanta la siinayo iyo sida ay u kala horreynayaan oo qaab fudud loo soo bandhigay.

Marka laga gudbo Mahadnaqa, iyo Habraaca, Xogta Gundhiggu waxa ay ka kooban tahay dhammaan xogtii la soo ururiyey ee la hufay isla markaa ay ansixiyeen GFMC oo ku qoran qaabka excel. Xogta muuqaal kasta ka kooban yahay haddii la doonayo in la hubiyo halkan ayaa laga hubin kara. Maktabaddu waxa lagu kaydiyey dhammaan dhokumentiyada la xidhiidha waaxda caddaaladda, oo ay ku jiraan sharciyada (ku qoran Af-Soomaaliiyo Ingiriisi ).

Qalab lagu shaqaynayo halkii uu ku ahaan lahaa warbixin kaligeed iska taagan

Muuqaalka Caddaaladdu waa in loo isticmaalo sidii hannaan la raacayo marka arrin la raadinayo, halkii uu ka ahaan lahaa warbixin qayb-qayb loo akhriyo.

Habka Isticmaalka 1: Guji, guji, guji

Ku billaw su’aasha kadib raac su’aalaha ku sii taxan ama guji oo eeg halka ay ku gayso. Guji halka sare ee bog kasta si aad faalo u bixisid ama Xogta Qoraalka. Waxa ay kuu sharraxaysaa waxa dadka boggan soo booqanayaan eegayaan iyo sidoo kale ilaha xogta.

Habka Isticmaalka 2: Kala saaridda Fursadaha Maalgashiga

Falanqaynta Fursadaha iyo Fursadaha Maalgashiga Caddaaladdu waxa ay bixinaysaa fursado badan. Qofka xogta eegayaa waxa uu doonayaa in uu kala shaandheeyo si uu u gujiyo
> Kaabeyaasha Dhismaha – wuxuna u kala saari karaa
> Maxkamadda

Sii kala baadh waxa ay fursad u siinaysa qofka xogta booqanaya in uu eego fursadaha sida dadka/kooxaha la faquuqo ee aan fursadaha badan helin isaga oo sii raacinaya
> Xuquuqal Insaan
Halkaa ka sii wad

Habka Isticmaalka 3: Xogta mar walba ma biirayso

Hay’adna lagama rabo in ay u soo gudbiso sida warbixintu halkan ugu kala saaran tahay. Goobaha qaar, mabay lahayn Buugga Diiwaanka, halka maamulada qaarna ayna haysan tababarkii sidii ay u maareyn lahaayeen. Goobo kale, xog lama haynba (tusaale ahaan, dacwadaha loo kala saaray lab/dheddig ama da’da); halka goobo kale xogta laga helay waraysi la qaaday balse aan lagu xaqiijin karin diiwaanka qoran. Niyad samaan ayaa xogtan lagu helay, waxa dhici karta in qaladaad ku jiro meelaha qaldana waa la xusay halka si cad ay u muuqdaan. 100% ma saxbaa? Maya, balse waddamo kooban ayaa ku faana arrintan. Ma xogta ugu wanaagsan ee la heli karaa? Dabcan haa. Waxa xusid mudan in dedaalkan uu bar-billaw u yahay hannaan la doonayo in lagu horumariyo xog ururinta hay’ad kastaa gudaheeda samaynayso taas oo xog iyo xaqiiqo siinaysa go’aan qaadashada heer qaran.