Addeegga Caddaaladda

Adeegyada caddaaladdu waxa ay goob iskugu keenayaan xog saddex-xagal ah oo ku saabsan dhammaan nimaamka caddaaladda laga
bilaabo xadhiga qofka illaa xabsiga la gaynayo iyada oo uu soo bandhigayo xogta ugu muhiimsan ee heer qaran iyo tafaasiil faahfaahsan oo heer gobol ah.

Khayraadka & Kaabayaasha

waxa ay soo bandhigaysaa xogta ku saabsan agabka iyo shaqaalaha ka hawl-gala booliska, dadka bixiya la tallinta sharciga, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud, maxkamadaha iyo xabsiyada; iyo duruufta dhismeyaasha ay ku shaqeeyaan.

Maareynta Dacwadda

waxa ay soo bandhigaysaa heer kasta oo ku saabsan nidaamka loo maareeyo kiiska gal-dacwadeedku: Cabashooyinka fal-danbiyeedka, diiwaan-gellinta danbiyada, baadhista, xadhiga, dacwadaha, adeegga la tallinta sharciga, xukunka maxkamadaha, iyo xabsiga.

Tababarka Maamulka

waxa ay soo bandhigaysaa xogta ku saabsan maalgelinta lagu sameeyey hay’adaha caddaaladda iyo habka lagu kormeerayo si loo waajaho shakiga musuqmaasuqa, habka bixinta lacagaha iyo magdhawga, hannaanka dallacsiinta, istaraatiijiyadda shaqaalaysiinta, iyo sidoo kale khibradda aqooneed ee booliska, xeer-ilaaliyeyaasha, kuwa bixiya adeegga la tallinta sharciga, garsoorka iyo ciidamada asluubta.