Habraac

Maxay Ku Saabsan tahay

Muuqaalka Caddaaladda waxa loo qaabeeyey in ay la jaanqaado duruufaha xawliga ku socda ee khatarta badan kaas oo nidaamkii caddaaladda ay wiiqeen colaado ama masiibooyin dabiici ahi. Muddo kooban oo 3 billood gudaheed ah, barnaamijkani waxa uu xidhiidh la samaynayaa hay’adaha kale ee horumarinta ka shaqeeya, laamaha dawladda iyo hay’adaha kale ee aan dawliga ahayn si loo soo saaro xog caddeyn ku sallaysan taas oo aasaas u noqota qorshaynta iyo kharashka ku baxaya dib u soo kabashada hannaanka caddaaladda iyada oo sidoo kale la abuurayo qaab-hawleedkii loogu kuur-geli lahaa loona qiimeyn lahaa horumarka la gaadhay.

Khibraddii laga helay Afgaanistaan, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya waxa ay muujinaysaa in xogta la xidhiidha caddaalad ciqaabeedku ay jirto in kasta oo ay baahsan tahay. Xog ururintan Muuqaalka Caddaaladdu waxa uu meel isugu keenayaa xogtaa baahsan iyada oo la samaynayo daraasado iyo waraysiyo laga qaadayo dadka ka shaqeeya caddaaladda si loo abuuro deggal internet-ka ah (website) oo si fudud loo heli karo xogtiisana loo cusboonaysiin karo si loogu dhiirigeliyo hay’adaha dawladda in ay maalgashadaan xog-ururinta si loo ogaado goobaha mudnaanta la siinayo ee ku saabsan dib u soo kabashada hannaanka caddaaladda.

Xogta waxa la soo ururiyey muddo 12 billood ah iyada oo la barbar dhigayey xog hore la isula qaatay. Muuqaalkan Caddaaladda ee Somaliland- kana kooban Awdal, Saaxil, Maroodi-Jeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool- xogtu waxa ay ku eegtahay 31 December 2019, marka laga reebo tirada maxaabiista kuwaas oo la diiwaan geliyey lana booqday dhammaadkii 2020.

Maxay Qabanaysaa

Xog ururintan muuqalka caddaaladdu waxa ay ka hawlgalaysaa qaybta ay ka shaqayso nidaamka caddaalad ciqaabeedku. Waxa ay ka tisqaadaysaa habka loo qaabeeyey nidaamka caddaaladdu uga hawlgalo sharciga, iyada oo la barbardhigayo sida dhab ahaan ay u shaqayso; waxa ay koobaysaa barakaca waddanka gudihiisa ee dadka ay sababeen colaadda iyo duruufaha adag, kaas oo culays aan la maareyn karayn ku haya nidaamka; waxa ay muujinaysaa lacagta iyo lacagta waddamada dibaddu u hayaan si loogu taageero fulinta nidaamka caddaaladda. Waxa ay soo bandhigaysa qorshe-hawleed lagu waajihi karo duruufaha ka baxsan awoodda sharciga kaas oo caqabad ku noqon kara ama carqaladayn kara dedaalada dib-u dhiska nidaamka caddaaladda

Muuqaalka caddaaladdu waxa uu bixinayaa maktabad laga tixraaci karo dhokumentiyada xeerarka ee saameynta ku leh siyaasadda qaranka iyo dhokumentiyada mashaariicda, daraasadaha akaadamiga si loo helo goob loo tixraaco. Waxa ay awood u siinaysaa dadka isticmaalaya in ay isbarbardhig ku sameeyaan xogta muuqaalka loo isticmaalay iyo xogtii billawga laga duulay.

Arrinta intaa ka sii muhiimsan, nidaamkani waxa uu u ogolaanayaa dhammaan daneeyeyaasha awoodda ay ugu kuur-gelayaan isla markaa kor ugu qaadayaan habka ay falanqaynta ugu samaynayaan xogta. Iyada oo meel kaliya la isugu keenayo xogta la soo uruuriyey, la falanqeeyey isla markaa muuqaal ahaan loogu soo bandhigay deggelka barta internet-ka (website) kaas oo iskii (automatically) u cusboonaysiinaya isla marka xogta cusub la geliyo. Xogtan Muuqaalka kooban ee Caddaaladdu waxa uu abuurayaa xog sax ah oo aasaas u noqota siyaasadda caddaaladda ee la dejin doono.

WAA MAXAY SABABTA AY U SHAQAYSAY

Adeegga uu bixinayaa waa mid waaqica ku sallaysan, oo meel la isugu kenayo xogta ku saabsan: waxa ay ka leeyihiin hawlwadeenadu shaqada nidaamka caddaaladda, iyada oo la barbardhigayo waayo-aragnimada ay kala kulmeen dadka isticmaala nidaamku; kala daadashada tiro badan oo dad ah; iyo lacagta loo hayo si loo gudbiyo caddaaladda guud ahaan iyo hay’ad kasta. Xogtani way ay si fiican uga jawaab celinaysaa gudbinta caddaaladda iyo adeegyada bulshada halka loga baahan yahay.

Xogtu waa mid cabbiraysa saameynta, iyada oo xogta laga soo ururinayo goobaha ugu muhiimsan ee saldhigyada booliska, maxkamadaha iyo xabsiyada si loo ogaado goldaloolooyinka jira sida shaqaalaha, kaabayaasha iyo agabka kale. Xogtani waxa ay awood u siinaysaa waaxyaha qorsheynta in ay qiimeeyaan isla markaa ay soo bandhigaan istaraatiijiyadda loo baahan yahay sida dhismeyaasha, qalabka iyo tababarada iyo in sidoo kale u kuurgelid iyo qiimeyn lagu sameeyo horumarka lagaadhay si wixii wanaagsanaa ee la qabtay loo dardar geliyo wixii aan khaldamayna loo saxo.

Waa xog si fudud loo heli karo, degdeg lagu helo karo, isla markaa ah mid hufan, iyada oo la isticmaalayo habraac hore loo soo tijaabiyey oo la adeegsanayo muuqaalo toos ah, la cusboonaysiin karo si diiradda loo saara faraqa u dhexeeya xogta, halkii laga akhriyi lahaa warbixin qoraal ah oo meel iska taala; iyada oo sidoo kale la xusayo meelaha ay ku kala duwan yihiin oo lagu qorayo goobta fiirada gaarka iyo si ilaha laga soo xigtay xogtu ay u heli karaan dadka isticmaalaya.

Waa mid la iska kaashaday lana wadaagayo, hay’adaha caddaaladda ka shaqeeya waxa ay ka qaybqaadanayaan billawga xog-ururinta, falanqaynta xogtooda gaarka ah iyada oo maamulada iyo hay’adaha dawladda siinaysa fursadda maamulka iyo cusboonaysiinta xogta muuqaalka ku sallaysan kadib marka tijaabada koowaad la fuliyo. Waa mid xaqiiqada ku sallaysan isla markaa siyaasad ka madax-bannaan, taas oo abuuraysa xog muuqaal ahaan nidaamka caddaaladda loo soo bandhigayo, kana kooban qaybaha kala duwan sida ammaanka iyo socdaalka, kaabayaasha, kiisaska qaabka ay u socdaan iyo habka loo maamulo— iyada oo la isku xidhayo si loo soo bandhigo qaabka nidaamka caddaaladdu u shaqeeyo.

HABKA AY U SHAQAYSO

Xogta waxa laga soo ururiyey hay’ad kasta (booliska, xeer-ilaalinta, hay’adaha bixiya kaalmada sharci, garsoorka, xabsiyada – iyo wasaaradaha ay hoos tagaan) iyada oo la haystay ogolaanshaha masuulka hay’ad kasta iyo wasaarad kasta oo ay hoos tagaan. Xogta waxa iska leh hay’adahaas ujeedada loo wadaagayna waa sidii goob kaliya la isugu keeni lahaa. Habka cilmi-baadhista ee la raacay daraasaddan Muuqaalka Caddaaladda waxa laga soo dheegtay Hantidhawrka Caddaaladda. Hantidhawrka Caddaaladdu wuu ka duwan yahay Muuqaalka Caddaaladda, ka hore waxa loo qaabeeyey jawi deggan, nabdoon waana halka lagu hubiyo nidaamka caddaaladdu in uu badqabo. Waxa ay la tacaamushaa xukuumadaha sidii ay u wadaagi lahaayeen xogta la soo ururiyey, la falanqeeyey iyo hannaanka muuqaalka lagu soo bandhigayo si hay’adaha go’aanka qaadanaya iyo dib-u habayntu ugu saleeyaan go’aanadooda. Sida Hantidhawrka Caddaaladda, Muqaalka Caddaaladuna darajooyin ma siiyo waddamada, sidoo kale qiimeyn darajooyin lagu samaynayo kuma sameeyo hay’adaha. Balse, waxa uu ku dhiiri geliyaa hay’adaha caddaaladda sidii ay u soo bandhi lahaayeen xog ku salaysan khibrad, hannaan u saamaxaya xogtu in ay si toos ah ula hadasho daneeyayaasha. GJG iyo Justice Mapping hore ayay u soo sameeyeen Hantidhawrka Caddaaladda iyaga oo casuumad ka helay xukuumadaha Malaysia iyo Bangladesh (eeg: https://www.governancejustice.org/justice-audit). Xogta lagu soo ururiyey Muuqaalka Caddaaladdu waxa ay ka kooban tahay khayraadka, kaabayaasha iyo dhismeyaasha xukuumadda ee hay’ad kastaa leedahay oo si tifaftiran loo soo bandhigay- sidoo kale waxa ay la soconaysaa sida dacwadaha iyo dadka dacwoonayaa hannaanka u maraan. Dhammaan xogta, inta macquulka ah waxa loo kala saaray da’da, jinsiga iyo haddii qofku naafo jidheed yahay iyo haddii kaleba. Dhammaan xogta waa mid la qariyey ciddii sheegtay meel kasta oo la garan karo ciddii tidhi waa laga saaray.

xogtan saddex-geesooska ah waxa laga soo ururiyey bahda caddaaladda (booliska iyo saraakiisha xabsiyada iyo sidoo kale garsooreyaasha iyo qareenada) iyo dadka isticmaala maxkamadda (dadka u imanaya maxkamadda iyaga oo dacwad oogaya ama lagu soo oogayo, dhibaneyaasha, markhaatiyaasha ama xubna qoysaskooda)

Xogta bar-billawga ah ee daraasadda waxa soo ururiyey koox cilmi-baadheyaal madax-bannaan iyaga oo ay si toos ah korka ugala socdeen Gudida Farsamo ee Muuqaalka Caddaaladda (GFMC)– kuwaas oo xubnaha ay soo magacaabaan masuuliyinta hay’ad kasta. Marka xogta la soo ururiyo, waxa laga hufaa qaladaadka ku jira. Haddii gol-daloolooyin jiraan waa la xusaa, ‘Haddii aan Xogba la hayn’, waxa lagu muujiyaa tusaale ahaan, 0 gawaadhi.Haddii saxsanaanta xogta la xaqiijin kari waayo, ama ay u baahan tahay sharraxaad dheeraad ah, waxa lagu xusay ‘Fiirada Gaarka ah ee Xogta’. Xogta la hufay intaa kadib waxa loo gudbiyaa GFMC si ay u ansixiyaan isla markaa waxa saxeexa hay’adda ay khusayso. Waraaqaha ay ku qoran yihiin xogta la hufay waxa ay ka muuqanayaan Xogta Aasaasiga ah ee hay’adaha waana xogta laga arkayo Muuqaalka Caddaaladda.

Fiiro: Xogtu ma noqon doonto mid 100% sax ah. Gol-daloolooyin iyo qaladaad wuu dhici doonaa gaar ahaan qaybtan koowaad ee taxanaha Muuqaalka Caddaaladda maadaama dadka bahda caddaaladda ee furinta hore ka shaqaynayaa ayna u baran in hab nidaamsan ay u soo ururiyaan xogta gaar ahaan xogta loo kala saaray da’da iyo jinsiga. Balse habka ururinta xogta iyo saxsanaanteeduba waa mid marka muddo la wado aad u wanaagsanan doonta hay’ad kastana waxa loo dejiyey nidaam.

Intaa kadib xogta waa la habeeyey loona gudbiyey Justice Mapping si ay u geliyaan degalka internet-ka ee Muuqaalka Caddaaladda haas oo loo diyaariyey in uu soo saaro xog muuqaal ahaan loo arki karo isla marka la geliyo. Hantidhawrka Caddaaladda iyo Muuqaalka Caddaaladda labadaba waxa loo qaabeeyey in ay noqdaan qalab la adeegsan karo halkii ay ka noqon lahaayeen warbixin meel iska qotonta. Ujeedadu waa in la geliyo xogta muddo dheer lana ogaado halka ay arrimuhu u socdaan si dhawna loogu kuurgalo waxa shaqeeyey iyo waxa aan shaqaynin.

Xogtu waxa ay xusaysa fursadaha maalgashiga si loogu salleeyo miisaaniyadda la qoondaynayo ( korna loogu qaado wax-ku-oolnimada deeqaha) loona wanaajiyo adeegga caddaaladda. Fursadahan maalgashigu waa qaar la isla ogolaaday kulankii ugu danbeeyey ee GFMC oo ay ka soo qaybgaleen bahda caddaaladda ee heer maamul.

SIDA XOGTA LOO CUSBOONAYSIIYEY LOONA JOOGTEEYEY

In la wargeliyey jileyaasha caddaaladda billawgiiba may ahayn mid lagu war gelinayo oo kaliya. Habraaca daraasadda ayaa ujeedadeedu tahay in ay ku dhiiri geliso in ay maalgashadaan xogtooda la soo ururinayo si ay xog waran u siiyaan waaxyaha siyaasadda dejiya iyo in ay kor u qaadaan sidii khayraad badan u heli lahaayeen hay’adahoodu. Laga soo billaabo markii la aasaasay, GFMC iyaga ayaa la wareegay habsami u socodka una noqday laf-dhabar.

Xogtan taxanaha ah ee Muuqaalka Caddaaladda ee ugu horraysa kadib, waxa loogu tallo galay in GFMC (iyo wasaaradaha ay hoos tagaan) ay ku dhiiri gelin doonaan hay’adaha ay ka kala yimaadeen in ay soo ururiyaan xog kala soocan, muddo markii la joogaba la soo ururiyo, iyaga oo isticmaalaya warqadda xog ururinta ee midaysan. Xogtan waa la gudbin doonaa si waafaqsan hannaanka kala danbaynta ee hadda jirta – iyo Unugga Maareynta Xogta, si ay u qabtaan Muuqaal Caddaaladeed oo is daba joog ah oo la qaban doono 1-2 sanno loo dhaxaysiinayo si loola socdo is-baddelka muddo kadib. Doorka GJG wuxu noqon doonaa fidinta taageero farsamo marka loo baahdo.

KOOXDA MUUQAALKA CADDAALADDA

Kooxda Muuqaalka Caddaaladda waxa madax u ah Gudoomiye Johann Kriegler (ka halw-gabay) Caddaaladda (Aasaasihii Maxkamadda Dastuuriga ah ee Caddaaladda Koonfur Afrika) waxana maareeye u ah Radha Nair.

Allison Elders ayaa samaysay daraasadda qaybta dib-u-eegista xogta ee Maktabadda iyada oo ka soo shaqaynaysay Bluhm Legal Clinic at Northwestern University School of Law, Chicago, USA waxana taageero siinayey la taliyaha gaarka ah ee kooxda, Tom Geraghty. 

Transarency Solutions (TS), hay’adda masuulka ka ah maamulka daraasadda, waxa hogaaminaya Latif Ismail, Somaliland
Kooxda Daraasadda ee Transparency Solutions waxa taageerayey hawlwadeenada GJG: Radha Nair, Kathryn English, Adam Stapleton, iyo koox khubarada gorfeynta xogta ah : Fergal Stapleton English, John Roy Ballossini Dommett, Thenjiwe Phillips, iyo Louis Stapleton English. Kooxdan khubarada gorfaynta xogtu waxa ay sidoo kale masuul ka ahaayeen qabashada daraasadda iyo in ay xog kale oo dheeraad ah ku kabaan maktabadda, markii loo diyaargaroobayey Muuqaalka Caddaaladda.

Kooxda tiknoolojiyadda xogta iyo qaabeynta waxa hogaaminayey Eric Cadora, aasaasaha iyo agaasimaha, Justice Mapping (USA). Waxana caawinayey:

  • Charles Swartz, Maareeyaha IT-ga
  • Andrii Yelbeav, Injineerka Barnaamijyada Kombuyuutarka
  • Alexandra Dubow iyo Tatiana Temple, Qaabeynta Muuqaalada Xogta, iyo

Dhammaan turjumaadda Af Soomaaliga waxa qabtay Abdoulkarim Hassan (qurusdoon@gmail.com).

Qayb kasta oo Muuqaalka Caddaaladda waxa ku xigay hannaan lix marxaladood marayey:

  1. Qorsheynta
  2. Isu-dubaridka
  3. Ururinta
  4. Waraysiga
  5. Qaabeynta
  6. Ansixinta

1. Qorsheynta

Billawgii waxa la qorshaynayey in la billaabo Muqaalka (March/April,202) balse xannuunka Karoonafayras awgii ayaa dib loogu dhigay dhawr billood. Inta waxa dheer, waxa door weyn qaatay qiimeynta in kooxdu u safarto Hargeysa si ay tababarka u fuliyaan (iyo qaabka loo qabanayo tababarka). Waxa diiradda la saaray halista ka dhalan karta in ay kooxdu Somaliland tagaan iyaga oo sii maraya Yurub.

Qodobada kale ee qorshaynta waxa kamid ahaa:

  • Dib-u eegista xogta aasaasiga ah ee hay’adaha Somaliland;
  • Qabashada tijaabada xog ururinta ee goobaha laga soo ururinayo Dadka Maxkamadda Adeegsada
  • Hubinta turjumaadda xogta oo dhan iyo waraysiyada
  • In kombuyuutarada tablet-ka lagu shubo barnaamijkii
  • Qorshe-hawleedkii billawga ee lala waafaqay kooxda bahwadaagta la ah GJG, TS
  • Kooxa xog ururinta TS in la tababaro lana hawlgeliyo November 22

Qaabeyntii qalabka xog ururinta

Dib-u-eegista waxa lagu sameeyey barnaamij diyaar ahaa. Kooxdu waxa ay go’aan sadeen in Fulcrum Surveyor la isticmaalo maadaama oo laga helayo farsamadii loo baahnaa. Dib-u-eegista waxa sidoo kale lagu sameeyey kombuyuutaradii gacanta iyo Lenovo nooc kamid ah kombuyuutarada ayaa la doortay markii la eegay qiimaha uu taagan yahay iyo habka uu u shaqaynayo.

Barnaamij ay ku shaqeeyaan ayaa loo sameeyey hay’ad kasta waxana la geliyey xogtii aasaasiga ahayd. Si waafaqsan xogtaas, barnaamij kastaa waxa uu lahaa todoba dhinac oo laga eegayo xogta la soo ururinayo ee hay’ad kasta. Waxa ay kala ahaayeen, qalabka, shaqaalaha, dhismaha, ammaanka iyo rabshadaha, maareynta dacwadda, tababarka iyo maamul wanaaga.

Qaybta Jawaabta: Barnaamij kastaa waxa uu ka koobnaa todobada qaybood, kuwaas oo qayb kasta loogu diyaariyey in ay ka jawaabto su’aalahaas. Barnaamijka Fulcrum waxa uu bixinayaa fursado dhawr ah oo aad ku xulan kartid nooca su’aalaha aad doonaysid, iyo qaybta aad isticmaalaysid, waxay kala ahaayeen:

  • Jawaabaha Haa ama Maya
  • Jawaabaha lambarada
  • Dhawr wax oo la kala dooranayo
  • Doorasho kaliya
  • Jawaabaha u baahan in la qoro

Qaybta xogta: marka qaybta la doorto, su’aal kasta xaraf iyo lambar ayaa la siiyey, xogta sii kaabaysana waxa la raaciyey qaybta macluumaadka ee su’aal kasta. Qaybtani muhiim ayay u ahayd cilmi-baadhaha raadinaya in uu ogaado macnaha su’aasha, iyo in ay ku hagto isha xogta laga soo xigtay.

Waa daruuri: Shaqada kale ee uu qabto barnaamijka Fulcrum waa in uu su’aasha ka dhigi karo mid ay daruuri tahay in laga jawaabo. Tani waxa ay ka hor tegaysaa in warbixinta aan la gudbin ilaa la dhammaystiro qaybaha daruuriga ah oo dhan. Tani waxa ay muhiim u ahayd in la xaqiijiyo in aan qayb muhiim ah si aan kutalo gal ahayn looga tago.

Fursadda ‘Wax kale’ meel kasta oo ay suurtagal tahay, jawaabaha su’aalaha waxa ka mid ahaa ‘Wax kale’ fursaddsan oo inta badan la siinayey qofka jawaabaya. Doorashada ‘wax kale’ waxa ka dhallanayey in uu qofku qoraal ku qoro waxa kale ee uu ku jawaabayo.

Turjumaadda: Barnaamij kasta qaybiisa Af-Soomaaliga ayaa loo diyaariyey, kaas oo garab yaala xaraf kasta iyo lambar kasta oo ingiriisi ah. Su’aal kasta waxa la geliyey shaxda ku beeggan ee Soomaaliga ah (halka hoose eeg) taas oo ka koobnayd afar qaybood (Sumadda Af-ingiriisiga, Summadda Af-Soomaaliga, Faahfaahinta Af-ingiriisiga, Faahfaahinta Af-Soomaaliga). Marka la dhammaystiro shaxda, waxa la hubinayey in ay la jaanqaadayso barnaamijka. Su’aal kasta turjumaddeeda ayaa la geliyey isla qaybta ku xigta. Markii danbe waxa lagu shubay barnaamijka iyada oo la soo hor marinayo su’aasha oo Af-Soomaali ah, kadibna isla su’aashii oo Af-ingiriisi ah.

English LabelSummadda Af SoomaliEnglish DescriptionFaahfaahin Af Somaali 
Date?Taariikh?
Time?Waqti?
Region?Gobol?
District?Degmada?
Town?Magaalada?
A. Material ResourcesA. Agabka
1. Electricity supply?1. Adeegga Korontada/laydhka?Interview.
If partial ask how many hours per day.
– None
–  Partial
– Continuous
– N/A
Waraysi
Haddii qayb ahaan uu jiro weydii imisa saacadood maallintii.
– Maba jiro
– Qayb ahaan
– Si joogto ah
– N/A

Buugaagta Habraaca: Buugga Habka Ururinta Xogta iyo Buugga Dadka Adeegsada Maxkamadda ayaa la diyaariyey si loogu kabo tababarka shanta maalmood soconayey una noqdo hagaha cilmi-baadheyaasha. Buug kasta waxa loo turjumay Af-Soomaali.

Waraysiyada Hay’adaha: Barnaamij ayaa loo sameeyey hay’ad kasta waxana lagu diyaariyey xoga bar-billawga looga baahan yahay. Si waafaqsan xogtan, barnaamij kasta waxa uu ka koobanaa todoba qaybood oo xogta laga soo ururin doono. Xogta laga soo ururiyey maxkamaduhu waxa laga soo xigtay xogta dadweynaha u furan. Gudoomiyaha Maxkmadda Sare uu doonayn in uu ka qayb qaato, sidaa awgeed xogta la soo ururiyey maxkamaduhu muu ansixin masuulkii matalayey Maxmaddama Sare ee Somaliland.

Iyada oo laga duulayo ogolaanshaha madaxda hay’adaha ka qayb qaadanaya iyo magacaabidda Gudoomiyaha Maxkmadda Sare, cilmi-baadheyaasha soo ururinaya xogta hay’adda waxa looga baahnaa in qof kasta oo ay waraysanayan wargeliyaan ujeedada xogta loo ururinayo isla markaa ay ogolaanshihiisa helaan ka hor inta ayna sii wadin.

  • Guud ahaan, 162 waraysi ayaa la qaaday
  • Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud: 7
  • Qareenada Difaaca Dadweynahar: 6
  • Bar: 6
  • Ciidanka Asluubta: 13
  • Booliska (oo ay ku jiaaan. RDC / DCP): 55
  • NGO: 10
  • Maxkamadda Degmada: 48
  • Maxkamadda Gobolka: 10
  • Maxkamadda Racfaanka: 6
  • Maxkamadda Sare: 1

Waraysi kooban oo hay’adaha ah, Habka uu u shaqeeyo Adeegga Caddaaladdu ayaa sidoo kale la qabtay. Waraysigani waxa uu mudnaanta siiyey goobaha ayna cilmi-baadheyaashu tagi karayn (telefoon ayaa lagu buuxiyey waraysiga)

Guud ahaan, 21 waraysiyada kooban ayaa la qabtay: 

  • Sool: 3
  • Sanaag: 6
  • Saahil: 1
  • Awdal: 4
  • Maroodi-Jeex: 3
  • Togdheer: 4

Waraysiga Hawl-wadeenada: Hal barnaamij ayaa loo sameeyey dhammaan hawl-wadeenada la waraysanayo. Barnaamijkani waxa uu ka koobnaa saddex qaybood, labada qaybood ee hore waxa ay ahaayeen jawaabo la kala dooranayo. Qaybta saddexaad, oo loogu tallo galay in lagu xuso saddex caqabadood oo waaweyn oo soo waajahaya la waraystaha, waxa ay ka koobnayd saddex meelood oo qoraal lagu qoro. Halka waraysiga hay’adaha uu GPS muhiim ahaa, si loo illaaliyo ammaanka shaqsiga iyo in aan la aqoonsan qofk xogtan yidhi, waa laga xidhay shaqada GPS markii xogta shaqaalaha la waraysaneyey. Sidoo kale qaybaha waa la isku daray. Tusaale ahaan, Qareenada Difaaca Dadweynaha waxa la raaciyey Legal Aid Service (Adeegga Kaalmada Sharci) maadaama ay jiraan kaliya 5 qareenada difaaca dalka oo dhan.

Guud ahaan, 257 Waraysi ayaa la qaaday were conducted:

  • Sool: 58
  • Sanaag: 47
  • Saahil: 48
  • Awdal: 31
  • Maroodi-Jeex: 35
  • Togdheer: 38

Waraysiga Dadka Maxkamadda Adeegsada

Barnamij gaar aha ayaa oo sameeyey waraysiga dadka maxkamadda adeegsada. Waxa uu barnaamijkani u suurtageliyey cilmibaadheyaasa in ay si fool-ka fool ah u qabtaan waraysiga ama ay isticmaalaan GPS goobta maxkamaddu ku taalo (telefoonka). GPS waxa ay u suurtagelinaysay in ay ogaadaan goobta ay ku yaalaan Maxkamadda Degmada ama Gobolku. Cilmibaadheyaashu dhawr maalmood oo kala duwan ayay tageen maxkamadda waxayna awoodda saareen dadka isticmaala maxkamadda koowaad degmada iyo gobolka. Marka hore waxa ay xaqiijinayeen halka ay joogaan in ay tahay degmada ama gobolka intaa kadib waxay galayaan todoba qaybood oo kala duwan. Qaybta hore waxa ay koobsanaysay xogta aasaasiga ah ee la waraystaha. Lixda qaybood ee kale waxa ay ku xidhnaayeen nooca adeegsadaha iyo su’aalaha ku munaasibka ah.

Guud ahaan, 362 oo Dadka adeegsada Maxkamadda ayaa la waraystay :

  • Sool: 86
  • Sanaag: 31
  • Saahil: 48
  • Awdal: 95
  • Maroodi-Jeex: 53
  • Togdheer: 49

Xogta waraysigu maaha mid matali karta dalka oo dhan. Waxa ka dhalan kara su’aalo dheeraad ah. Tusaale ahaan, Waraysiga Dadka Isticmaalaya Maxkamaddu waxa uu muujinaya tiro dad ah iyo celceliska kharashka ay bixiyaan si waafaqsan jawaabihii ay bixiyeen. Balse, si qoto dheer waxa loogu lafa guray qaybta gorfaynta (word) ee Daraasadda Bar-billawga ah

2. Isu-dubaridka

Tababarka: tababar socday shan maalmood ayaa la qabtay si loo barto habka isticmaalka kombuyuutarada gacanta iyo sida uu u shaqeeyo barnaamijka fulcrum. Inta badan waxa uu ahaa tababar farsamo:

  • habka loo isticmaalo tablet-ka
  • habka loo isticmaalo barnaamijka Fulcrum
  • Diiwaan cusub sidii aad u billaabi lahayd
  • Sidii aad diiwaanka u cusboonaysiin lahayd
  • Sidii loo gelin lahaa xogta GPS-ka
  • Habka loo isticmaalo (i) badhanka xogta (faahfaahinta su’aasha & isha xogta laga soo xigtay)
  • Dacwadaha aan xog laga hayn, xogta aan la xaqiijin karin, ama xogta aan lagu kalsoonayn (-99)
  • Doorka iyo ujeedada qoraalka xogta ( si loogu qoro xog dheeraad ah ama macluumaad kaabis ah)
  • sida loogu soo dhejiyo sawirada
  • Sidii nuqul-qabyo ah loogu kaydin lahaa
  • Sidii loogu noqon lahaa nuqulka qabyada
  • Dhammaystirka, kaydinta iyo isku-xidhka xogta

Tababarku waxa uu kor u qaaday ka qayb-qaadashadii iyo waxbarashada la baranayo iyada oo la qabanayo. Cilmi-baadheyaashu waxa ay ku billaabeen kombuyuutarada gacanta oo cusub waxayna barteen sida loo isticmaalayo. Kadibna waxa ay qaadaa dhigeen su’aalaha hay’ad kasta iyo todobada qaybood ee ay ka koobnaayeen.Cilmibaadheyaashu xogta wax ay ka soo xigteen waraysiga, diiwaanka iyo u kuurgalid. Sidaa awgeed marka qofka la waraysanaya sheego tiro kombuyuutaro ah, cilmibaadheyaashu waxa ay waydiinayeen in uu tilmaamo lana tiriyo;ama marka qofka la weydiiyo boqolkiiba (tusaale qareenada matalaya eedaysane maxkamadda), jawaabtu waxa ay noqonaysaa aragtida qofka (lama xaqiijin karo); ama marka tirada kiiska la sheego, cilmibaadheyaashu waxa ay ku hubinayeen xogtaa ta ku qoran diiwaanka ama buugga dhacdooyinka OB-ga.

Sidoo kale waxa laga hadlay tixgelinta anshaxa. Cilmibaadheyaasha waxa lagu tababaray sidii ay u heli laahaayen ogolaansho qofku xor u yahay ka hor daraasadda gaar ahaan dadka maxkamadda adeegsada iyo waraysiga hawlwadeenada iyo sidoo kale qaadista sawirada.

Intii tababarku socday, masuuliyiin ka socda (GFMC) ayaa fadhiistay tababarka si ay a) isku baraan xubnaha, b) u ogolaadaan qorshe-hawleedka iyo c) in dhammaan hay’adaha la waraysan doono ay sii war geliyaan
Dhammaadkii tababarka, cilmi-baadheyaashu waxa ay qorsheeyen shaqada ay ka qabanayaan goobahooda GJG waxa ay u sharraxday sida xogta loo kala hufayo hannaanka ay marayso.

Kooxda TS waxa lagu tababaray Ambassador Hotel Hargeysa intii u dhaxaysay 15-20 November 2020. Kooxihii TS waxa ay ogolaadeen in ay ku noqdaan goboladoodii 21 November, xog ururintana ay billaabaan 22 November.

3. Xog ururinta

Kulankii koowad ee Gudidaga Farsamada Muuqaalka Caddaaladda (GFMC) waxa la qabtay22 November 2020. Xubnaha GFMC ayaa wargeliyey hay’adahooda daraasadda: cidda u imanaysa, goorta isla markaa ka codsaday in ay la shaqeeyaan taageerana u fidiyaan.

Kulankii koowaad wuxu ahaa mid muhiim ah si loo gudbiyo lahaanshaha xogta la soo ururinayo in ay hay’aduhu iska leeyihiin iyo sidoo kale in sharciyadda la siiyo kooxaha ku hawlan xog ururinta.

Xogta waxa la soo ururiyey intii u dhaxaysay 22 Nov- 18 December
Kooxda GJG u qaabilsan Gorfeynta Xogta (Das) ayaa si gaar ah taageero ugu fudinayey kooxaha xogta soo ururinaya. Isla marka xogta la soo ururiyo ayaa lala wadaagayey Das, waxay u suurta gelisay in ay isla markaaba qabtaan qaladaadka cad, xogta aan munaasibka ahayn, iyo in ay su’aalo ka weydiiyaan meelaha aan xogta laga hayn ee lagu qorayo ‘-99’. (tusaale xog lama hayo, xogta laguma kalsoona) Si maallinle ah ayay kooxuhu u soo wacayeen si loola xalliyo mushkiladaha jira – iyo qorshaha maallinta xigta.

Waxa la isla waafaqay in mushkilad kasta oo timaada lala socodsiiyo kormeeraha kooxda kaas oo la socod siin doona GFMC. Wax dhibaato ah oo keensaday in la waco gudido may dhicin. Waxa la isticmaalay barnaamijka si loogu isticmaalo xogta la soo ururinayo isla markaa guudmar uga bixiyo arrimaha taagan

Inkasta oo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare xusay ahmiyadda Muuqaalka Caddaaladda, wuu diiday in uu ka qaybqaato. Xogta maxkamadda waxa laga helay dhawr ilaha dadweynaha u furan

4. Waraysiga

Xogta Fulcrum waxa lagu wareejiyey Qaabka Excel GJG DA ayaa hubiyey saxsanaanta xogta iyo in ay dhammaystiran tahay. Kala hufidda xogtu waxa ay dhacday January 2021. Xogtii oo PDF ah ayaa loo diray hay’ad kasta intii u dhaxaysay 19-23 January 2021 si ay u hubiyaan faalana uga dhiibtaan. Faalada waxa kaliya laga helay Ciidanka Asluubta

Kulankii labaad ee GFMC waxa uu qabsoomay February 2021 markii ay Maxkamadda Sare si rasmi ah u ansixisay xogtii hay’adaha

Markii la kala shaandheynayey xogta la soo ururiyey, isbaddel kasta oo lagu sameeyey xogtii hore waa la kaydiyey. Faylkii hore sidiisa ayaa loo kaydiyey isaga oo aan waxba laga baddelin fiiro gaar ahna waxa lagu qoray faylka diiwaanka.

Habkii la isticmaalay intii lagu jiray hufidda xogta

Hubinta

Habka kala hufidda xgta waxa ay martay hannaan lagu hubinayo dhammaan xogta hay’adaha. Markii xogtu diyaar u ahayd in ay ansixiyaan GFMC ugu yaraan afar jeer ayaa xogta la hubiyey

Diiwaankii hay’adaha waxa loo igmaday DA qaabilsan gobolada in marka koowaad isha ay mariyaan. Markaa kadib DA labaad ayaa hubiyey isla diiwaankaas. Waxay fursad u siisay in uu su’aalo ka keeno xogtii hore iyada oo hoosta laga xarriiqayo wixii qaladaad ah. Xogtii markii ay soo gaadhay hogaamiyaha Kooxda GJG si dhammaystiran ayuu u kala hufay halkaas oo uu ka jawaabay wixii ay hoosta ka xariiqeen labadii hore

Marxaladdan waa la dhamaystiray (tallaabo dheeraad ah looma baahnayn) haddii ay jireena waxa xaliyey kii koowaad iyo labaad iyo TS. Su’aalahaa kadib waxa loo gudbiyey Kormeeraha TS ee Hargeysa si uu uga jawaabo

Summadda-Midabyada

Summadda-Midabyada waxa loo isticmaalay si loola socdo isbaddelada dhacayey intii xogta la kala shaandhaynayey.
Huruuddu- waxa ay u taagnayd dhibaato jirta

Caddaakna- marka dhibta la xalliyo, ee aan isbaddal loo baahnayn, caddaan ayaa laga dhigayey
Cagaar- Marka isbaddalka Fulcrum la cusboonaysiiyo, waxa loo baddalayey cagaar

Hubinta goobta Juqraafiga

Cilmibaadheyaasha waxa lagu dhiiri geliyey in ay ku daraan goobta ay hay’ad kastaa dhacda dhigta iyo loolka si ay u caawiso JM’s hawsha ay wadaan. DA ayaa hubinayey in la geliyey. Haddii khilaaf ka yimaado dhigta iyo loolka la adeegsanayo cilmibaadhaha iyo kormeeraha ayaa wada tashanayey.

Jawaabta Fal-celinta ay soo diraan GJG
GJG kooxda u qaabilsan gorfeynta xogta ee DA ayaa u dejiyey su’aalo taxane ah kooxda cilmi-baadheyaasha iyaga oo u sii marinaya kormeerayaashooda. Jawaabaha ama tafaasiisha su’aalaha ayaa la geliya qaybta falcelinta

La socodka isbaddelka la sameeyey
Markasta oo isbaddel lagu sameeyo dhokumentiga excel-ka, taariikhda isbaddelkaa la sameeyey waa la diiwana gelinayey.

Sida loo gelinayo ‘Xogta Qoraalka’
Haddii ayna xogtu caddeyn/khilaaf uu ku dhex jiro ama loo baahan yahay xog dheeraad ah ama in la xuso halkii laga soo xigtay ee ay ku kala duwan yihiin waraysigii la qaaday, qaybta u kuur-gelidda ama diiwaanka hay’adda ama Qoraalka Xogta ayaa la gelinayey.

Sida loogu darayo Sawirada gaar loo soo diray (tusaale Whatsapp)
Haddii ay cilmi-baadheyashu si gaar ah u soo direen sawiro ama hab ka baxsan Fulcrum, waxa lagu daray diiwaanka iyaga oo la siinayo summaddii ku habboonayd ee diiwaanka ay ku geli lahaayeen.

Samaynta Dhokumentiyo Diyaar u ah in ay Ansixiyaan GFMC
Kadib markii isbaddeladi oo dhan lagu diiwaan geliyey Fulcrum lagana saaray dhammaan PII, kooxda ayaa soo saartay warbixinta qaabka PDFuna diray GFMC si ay u soo ansixiyaan

5. Qaabeynta

Sida loo kala hufayo Xogta

Xogta Hay’adaha

Summad ayaa la raaciyey xogta faylasha Excel-ka sia kooxaha samaynaya barnaamijku u ogaan karaan si ay xogta uga soo xigtaan

Waraysiga Hawlwadeenada

Jawaabihii waa la turjumay, si loo ilaaliyo macnaha asalka ah. Kadib turjumaada, summad ayaa la isticmaalay si loo ogaado mawduucyada guud. Summaddu waxa ay ogolaanaysay in laga soo dheegto xogta, iyada oo ka hortagaysa saameynta in uu qof wax is moodsiiyo.

Isticmaalka ‘Wax kae’ waxa ay sheegaysaa jawaabaha si qaldan loo fahmay su’aasha ee jawaab bixiyaha ama xisaab aan sax ahayn (cilmi baadhaha)
Barnaamij muuqaal ah ayaa la isticmaalay si hoosta looga xarriiqo natiijada wixii ay yidhaahdeen hawlwadeenadu ee ku saabsan ammaanka goobta shaqada; duruufaha goobta shaqad, sida ay uga niyad-jabsan yihiin shaqadooda, iyo sida ay ugu faraxsan yiihin shaqadooda

Xogta Waraysiga Dadka isticaamala Maxkamadda

Xogta (362 la warayste) ayaa laga soo dejiyey barnaamijka Fulcrum. Iyada oo lagu xisaabtamayo in muunaddaasi ayna matalayn qaranka oo dhan. Balse ay muujinayso xog ku saabsan caddaaladda, sida loogu kalsoon yahay nidaamka, iyo in ay caawin karta daraasadaha xiga

Habka kala hufidda waxa ku jiray in kasta oo uuna ku koobanyn isku baddalka lacagaha; xogta turjumaadda; kharashaadka caddaaladda; iyo in la mideeyo jawaabaha

Hannaanka gorfeyntu waxa ku jirtay kala saaridda, helitaanka caddaaladda, gubdinta nidaamka, caddaaladdii ma la fuliyey? Kharashka caddaaladda, iyo khibradda markhaatiga.

Gorfeyn qotodheer oo ku saasan Dadka isticmaala Maxkamadda waxa laga helayaa Daraasaddii Bar-billawga ee Dadka isticmaala Maxkamadda

Fursadaha Maalgashi

Goldaloolooyinkii ay xogtu soo bandhigtay waxa lagu daray qorsheyaasha istaraatiijiyadda ee hay’adaa iyo qorshaha siyaasadda si loo dejiyo fursadaha lagu maalgelinayo caddaaladda (qalabka) habka dacwadaha (cabashada, xadhiga, dacwadda) waxa la abaarayaa booliska Helitaanka Caddaaladda

Cabbirka ugu muhiimsan

Cabbirka ugu muhiimsan waxa laga soo dheetay qorshaha istaraatiijiyadda ee hay’adda, Qorshaa Horumarinta Qaranka II iyo SDGs.

Qaabtka Goobta

Qaabka waxa dejiyey Justice Mapping iyaga oo ku salaynaya Xogtii Caddaaladda ee Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Isbaddal ayaa loo baahday lagu samaynayo goobta waxana kamid ahaa:

  • Hubinta Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaliya lagu hubinayo Somaliland si loo xaqiiqsado:
    • Qaybaha maqan
    • Qaybaha cusub
    • Summadda is baddeshay
    • Goobaha la geliyey xogta (faalada, qoraalka xogta, iwm)
    • Sida ay xidhiidhka u leeyihiin xogtu ( wadarta guud ee dacwadaha cusub iyo nooca dacwadaha)
  • Samaynta faylka excel iyada oo sida ay xogtu xidhidhka u leedahay lagu muujinayo summadda iyo in la dejiyey xeerka la raacayo marka summadda la siinayo
  • Samaynta faylka dadka samaynaya degelka internet-ka ee xogta gelinaya sidan soo socota:
    • Fayl gaar ah oo loo samaynayo xogta kama danbaysta ee hay’ad kasta (faylka oo Excel-ah, Summadda oo lagu qoraya safka koowaad, magaca dhokumentiga oo la xusayo)
    • Fayl loo sameeyey sawirada kama danbaysta ah ee hay’ad kasta (habka jpg ee sawirada)
      • Magaca sawirada sidii lagaga soo qaaday Fulcrum oo leh summaddii barnaamijka fulcrum ee ku diiwaan gashanaa “sawirada’, warqadda 2aad oo lagu xusayo hay’ad kasta faylkeeda. Warqaddan waxa loo isticmaalaya in la isku xidho sawirka, magaca iyo goobta laga soo qaaday.
  • Fayl loo samaynayo xogta dheeraadka ah ee faylasha (Excel, summadda oo lagu qorayo safka koowaad, magaca dhokumentiga oo la xusayo) ( tusaale ahaan Shaxda Faalooyinka, Bishii Adeegga la sameeyo; iwm).

Xogta maktabadda waa la cusboonaysiiyey. Faalooyinka ayaa lagu daray si loo sheego halka xogta laga soo xigtay, loo sharraxo loona raaciyo sida loo isticmaalayo

Ramadanta iyo COVID 19 GFMC may kulmi karayn. Zoom ayaa toos loogu jeediyey xogta wakiiladii GFMC ee Wasaaradda Caddaaladda 11 April, waxa xigtay tii loo jeediyey Agaasimaha Guud ee Caddaaladda 15 April,iyo 24 April oo loo jeediyey Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Ciidanka Asluubta. Goob ay ka galaan si ay dib-u eegis u sameeyaan ayaa loo diray dhammaan xubnaha.

  1. Ansixinta (waa la dhammaystiri doonaa)